Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO, Abiye Iyo Erdogan Oo Khadka Taleefoonka Ku Wada Hadlay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Erdogan ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Ex-Cantrol Afgooye, waxa uu sidoo kale xusay in dawladiisa iyo shacabka Turkigu ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya.

farmaajo-erdogan.jpg

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda iyo shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaiya, isagoona adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah ayna marna ka horjoogsanayn hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta ee dalka. sida lagu yidhi war kasoo baxay Villa Somalia.

Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweyneha Soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this