Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka gaystay gobolka Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda  AFRIKA ayaa faahfaahin looga bixiyay duqeymo shalay ka dhacay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo Maraylanku la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sida War-saxaafadeedka lagu sheegay duqeymaha  ayaa ka kala dhacday degaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Maraykanku sheegay in uu ku dilay afar dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.

War saxaafadeedka ayaa  sidoo kale lagu sheegay in saddex duqeyn oo ay laba goobood ka fuliyeen ay ku burburiyeen laba gaari, waxaana labo ka mid ah duqeynta ka dhacday Kuunyo Barrow, halka duqeynta 3aad ay ka dhacday Tuulada Caliyow Barrow.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa beenisay in duqeymaha Maraykanka xubno looga dilay , waxaana ay sheegeen in duqeymaha midkood uu ku dhintay Ganacsade caana oo ay magaciisa ku sheegeen Kuusow Xaaji Maxamed, halka duqeymaha kalena lagu laayay ilaa 12 neef oo geel ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeymo uu ka gaystay gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this