Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha xisbiyada Qaran oo shir muhiim ah ku yeelatay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka madasha xisbiyada Qaran ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madashaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray, sidii taageerayaasha xisbiyada dalka, gaar ahaan kuwa madasha ay door uga qaadan lahaayeen gurmadka socda.

Sidoo kale madasha ayaa ku baaqday in la xoojiyo amniga Caasimada, waxna laga bedalo qorshaha hadda ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliska, is looga hortago weerarada khasaaraha geysta ee mararka qaara ka dhaca magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah madasha xisbiyada Qaran ayaa dhowaan booqday isbitaallada Muqdisho ee la dhigay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii maalin ka dhacay Ex-Control Afgooye.

Dhinaca kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimo ku aadan shirciga doorashooyinka Qaranka oo sabtidii ay meel-mariyeen xildhibaanada golaha shacabka.

Madasha oo saluugsan qodobada qaar ee sharcigan oo hadda loo gudbiyey aqalka sare ayaa shaacisay inay muhiim in la sameeyo aragti ku biiris ku aadan sharciga doorashooyinka.

Inta badan hoggaanka xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeynaya madaxda dowladda federaalka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku sameystaan muddo kororsi hor leh, iyadoo dib loo dhigayo doorashada soo socota ee 2020-2021.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this