Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo haysta fursad labaad oo muhiim ah, si looga adkaado Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa waxaa uu maanta haystaa fursad muhiim ah, oo dowladiisa u horseedi karta inay kaga adkaato dagaalka Ururka Al-Shabaab.

Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ayaa waxay aad uga xumaadeen falkii argagixiso ee maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna laayay dad rayid ah oo arday u badneyd.

Soomaalida meelkastoo dunida ka joogto ayaa waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin in dad aan waxba galabsan oo tiradooda ay intaa le’eg tahay lagu laayo Magaalada Muqdisho. Dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqdo inay ka soo wada horjeedaan kooxaha argagixisada, balse aynaan haysan cid ku hoggaamisa, sidii dalka looga sifeen lahaa.

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa qaba inaanay Soomaalidu ka adkaan kari weynin Al-Shabaab, hase ahaatee uu gaabis ka jiro dhinaca hoggaanka dalka, haddiiba Shabaabka dalkeena laga ciribtiri lahaa.

Dadka aragti fog leh ayaa waxay Madaxweynaha Somaliya kula talin lahaayeen inuu ku dhawaaqo dagaal loo dhan yahay oo ka dhan ah mintidiinta Al-Shabaab, si loo soo afjaro weerarada dhawrkii biloodba ay mar dadka ku leynayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa iska lumiyay fursad hore oo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen midnimo iyo inay si wadajira ugu aqoonsadeen Al-Shabaab, cadowga keliya ee muuqdo ay maanta Soomaali leedahay, ka dib weerarkii boqolaalka qof ay ku gumaadeen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe). Madaxweynaha ayay ahayd inuu xilligaa dareyska ciidanka xirto, kuna dhawaaqo dagaal uu horkacayo.

Tan hadda taagan ayaa ah inay isa soo tareyso baaqyada ka soo yeeraya Culimada Soomaaliyeed, ee ku aadan in si wadajira loogu midoobo dagaalka Ururka Al-Shabaab, iyadoo markaasi laga gudbayo dheg xumida xilli kasta ka soo yeereysa falalka wuxuushnimada ah, ee ay dalka ka gaysanayaan.

Baaqyada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa barbar socda farriimaha kale, ee ay Warbaahinta soo marinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dadka kale ee waxgalka u ah bulshada.

Nabadoon Maxamed Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhuusamareeb ka wada soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Madaxda Dowladda u sheegay inay iminka haystaan fursad ay tahay in laga faa’iideysto.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba waa inay dadka tusaan inay diyaar u yihiin qaban qaabada dagaal loo dhan yahay, dadkana ay u sheegaan inay hoggaaminayaan dagaal u dhaxeeya Soomaali iyo Shabaab. Wayna cadahay inaan ka adkaan doono cadowga maalin kasta dadkeena iska leynaya.” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi.

Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay inay fursaddu tahay mid aan markasta la helin, Madaxda Qarankana looga baahan yahay inay iclaamiyaan dagaal ay hormuud u yihiin.

“Fursad waa mar ku soo martay, lamana khasaariyo. Hadda waa inay Madaxda Dalka ku dhawaaqaan dagaalka lala gelaayo cadowga. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay qofkii maanta qarax ka badbaado, berri kama badbaadi doono. Hadduu Shabaab maanta ku dilin, wuu ogyahay inuu maalin kale ku dilayo, intuusan ku dilin iska horleexi cadowga.” Ayuu yiri Nabadoon Xaashi.

Nabadoon Cabdi Cali Guure oo isna ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ee kuna sugan Magaalada Dhuusamareeb, oo xoojiyay baaqa Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa yiri “Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay Al-Shabaab haddeysan ku dilin, waxay dilayaan walaalkaa, walaashaa, hooyadaa, aabahaa, adeerkaa, habaryartaa, eedadaa iyo carruurtaada. Waxaas oo dhan inteysan kuugu imaan, kabaha u xirta dagaal aad la gashaan.”

Nabadoon Guure ayaa waxaa uu yiri “Doorka ugu weyn ee dagaalkan waa inay qaataan bahda Warbaahinta. Warbaahinta iyadaa wax xumeysa, waxna hagaajisa. Intaas ayaan leeyahay.”

Madaxda Qaranka ayaa waxaa lagu dhaliilaa markasta oo dhib dhaco inay cambaarayn oo keliya kaga soo hartay, oo aanu jirin ficil intaa dhaafsiisan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan bahalnimada ah, marka laga soo taggo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay mintidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 86 qof oo rayid u badan, halka in ku dhow 150 kalena ay ku dhaawacantay, waxaana uu noqonaya kii saddexaad ee ugu dhiig daadashada badnaa, kana dhaca Magaalada Muqdisho, taariikhda inta ay xuseyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this