Deeq A. Posted December 29, 2019 Kooxo Mitidiin ah oo xidhiidh la leh Daacish ayaa baahiyey Muuqaal ama Fiidiyoow ay ku sheegayaan inay gawraceen 11 Qof oo kiristaan ah. Weerarka lagu laayey dadka Kiristaanka ah ayaa ka dhacay Waqooyi-bari dalka Nigeria. Muuqaalka oo la baahiyey xilli dambe oo khamiistii ah ayaa muujinaya kooxo xidhiidh la leh Daacish oo tooganaya isla-markaana Gawracaya Rag Indhaha laga xidhay. “Tani waa Farriin ku socoto dhammaan Dadka Kiristaanka ah ee ku nool Dunida..” ayuu yidhi, Nin wejigiisu qarsoon yahay oo ka hadlayey Muuqaalka la baahiyey Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay Kooxaha hubaysan ee Waqooyiga Dalka Nigeria ka wada weerarrada ay ku beegsanayaan Dadka Rayidka ah. Weerarkan lagu gawracay dadka Kiristaanka ah ayaa lagu soo beegay Dabbaal-degga Kirismaska. Source Share this post Link to post Share on other sites