Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha oo maanta ka qaybgalay kulan……

Recommended Posts

Deeq A.   
0_IMG-20191229-WA0003-300x200.jpg 0_IMG-20191229-WA0002-300x243.jpg 0_IMG-20191229-WA0006-300x200.jpg IMG-20191229-WA0010-300x200.jpg

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha mudane Farxaan Adan Haybe oo maanta ka qaybgalay kulan balaadhan oo lagu qiimaynaayay shaqaalaha wasaarada horumarinta maalgashiga, gudoomiyaha oo kulankaasi faah faahinaaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidani.

Waxaanu maanta kala qaybgalay wasiirka, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaarada horumarinta Maalgashiga xaflada Qiimaynta Shaqaalaha ee sanadka galbaday ee 2019. Waa wasaaradii 3aad ee ilaa imika iyagoo raacaya Habraacyada sharciga ee Maamulka iyo Maaraynta cudduda Shaqaalaha gaar ahaa siyaasada Qiimaynta Shaqaalaha iyagoo qiimayn ka dib abaalmarin siiyay 13 shaqaalahooda ka mid ah oo mid kasta shahaado shaqo wanaagiisa lagu aqoonsaday iyo abaal Marin lacageed. Waa waajib in cidii mutaysata loo mahad celiyo loona abaal celiyo dabcan cidii gaabisana waynu soo kabaynaa si ay iyaduna u noqoto mid dadaalka lagu abaal mariyo oo guulaystay balse cida gadaal Ku hadha ee caadayste noqota sharciga ayaynu u raacaynaa waana nasinaynaa si badalkiis dhalinyarada kale ee jecel inay qaranka u adeegaan loo siiyo fursado shaqo. Ugu danbayn Waxaan u mahad celinayaa Shaqaalaha wasaarada si gaar ahna Waxaan amaan ugu jeedin ayaa wasiir cawad iyo Agaasime Deeqa oo aan leeyahay waad ka soo baxdeen xaqii Shaqaalaha inaad ka farxisaan, inta kalena dhiiri gelin ayay u tahay.

 

 

 

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this