Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka iyo Filibiin oo ka hadlay weerarkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Filibin iyo Imaaraadka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 79 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 148 kale.

Wasaaradaha arrimaha dibadda dalalkaan ayaa soo saarey war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay garab taagan yihiin dowladdafFederaalka iyo shacabkeeda, islamarkaana ay la qeybsanayaan xaalada murugada.

Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa sheegay inay ka caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib usoo celinta nabadda iyo xasiloonida dalkooda muddada dheer dagaallada ku soo jiray.

Filibiin ayaa xustay inay kala shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay “argagaxisada” waxaana ay ballan qaaday taageero dhinaca amniga.

Labadan dal ayaa qeyb ka ah dowlado dhowr ah oo cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho, kaas oo kamid noqday kuwii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca caasimadda tan iyo 2011, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shacay ee Ex-control Afgooye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this