Deeq A. Posted December 29, 2019 Waxaa maanta isbitaallada magaalada Muqdisho buux dhaafiyey shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir. Dadkaan ayaa baadi goobaya ama raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Inta badan dadweynahaan ayaa isugu tagay isbitaallada Madiina iyo Digfer oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee shalay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale waxaa isbitaalladaasi tagay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo dhiig u shabaya dadka qaba dhaawacyada daran. Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo qaarkood maanta loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Turkiga. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ku jireen arday jaamacadeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites