Deeq A. Posted December 29, 2019 Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada Soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan. Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo. Qaraxaan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, kuwaas oo u badnaa dad rayid ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites