Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo sagootiyey dhaawacyo dalka Turkiga loo qaaday + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran, ayada oo dowladda Turkiga ay ballan-qaaday adeegooda caafimaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Dhinaca kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa isku diyaarineysaa inay shacabka dhaawaca ah ee laga soo qaaday magaalada Muqdisho ay kusoo dhoweeyaan dalka Turkiga, islamarkaana ay u fidiyaan wixii ay adeegyo ah ay ee ay awoodaan.

Arrintan ayaa imaneysan ayada oo dalka Turkiga uu ka maqan yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya halkaas, oo maalmihii tagay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida aan xogta ku helnay.

Ma cadda sababta uu safiirkaas halkaas u tagay, inkasta oo ay u badan tahay dano shakhsi ah, hase yeeshee maqnaanshihiisa ayaa kusoo aaday xilli aad loogu bahnaa inuu ku sugnaado safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

80679195_2667852089965919_94893263417874 81037739_2667849919966136_22257576101984 80566777_2667851283299333_41352851363987 80866448_2667852106632584_16906314169932 81872329_2667852069965921_12882840862043 80647111_2667851703299291_87476667849092 81320686_2667851696632625_19377493225106 80640882_2667851683299293_81968433065759 80704515_2667851399965988_85617356277358 80563663_2667851439965984_50076379625239 81447048_2667849946632800_18972307127093 81600912_2667851129966015_22848586021643 81171257_2667850859966042_85879605820810 80629912_2667850833299378_60302771446496 81631367_2667850523299409_54599676917522 80751812_2667850539966074_57167046704501 79236289_2667850213299440_19399252216622 81996691_2667850473299414_19289331376314 81024283_2667851573299304_76767977614543 80452971_2667850803299381_69558456077097 80679195_2667852089965919_94893263417874

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this