Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo saagootiyay Dhaawacyada loo qaaday Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay Qaraxii shalay ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu  mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, islamarkaana uu  eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay  qaraxa Ex-Kaantarool, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen Qaraxii shalay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii Ex Kantarool.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo saagootiyay Dhaawacyada loo qaaday Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this