Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba sabab oo keentay in Al-Shabab aysan sheegan qaraxyada ay dadka badan ku xasuuqaan (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah, lagana soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa aroortii 28-ka Disembar 2019 sababay mid ka mida qasaarihii ugu badnaa ee dad shacab ah lagu laayo magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye oo ah goob gawaarida lagu baaro, laguna qaado canshuuraha waxaa ku dhintay dad ka badan 100 qof oo u badan shacab, ayna ugu horeeyaan ardayda Jaamacadaha Muqdisho, dhaawacuna wuxuu gaaray in ka badan 120 kale.

Al-shabaab oo lagu yiqiin inay sheegtaan Qaraxyada Muqdisho way ka xishoodeen inay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxa dadka badan galaaftay ee shalay, waxayna ka door bideen inay ka aamusaan sida qaraxii Soope, iyadoo la wada ogyahay inay soo abaabuleen, kana dambeeyeen xasuuqa dadka faraha badan ee shacabka ah.

Ma jirto cid uu shaki uga jiro in Shabaab ay qaraxan kasoo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, ayna tahay kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale, laakiin waxaa la is-weydiinayaa sababta ay Alshabaab u sheegan weyday qaraxyada qasaaraha badan dhaliya ee dadka badan dhintaan…?

Waxaa jira laba qodob oo loo aaneyn karo in Alshabaab ay ka gaabsadaan qaraxyada ay abaabulaan ee dhaliya qasaaraha fara badan, waxayna kala yihiin:

SHABAAB -MA AL-QAACIDAA MISE DAACISH..?

Al-shabaab oo ah urur ku xiran Alqaacida oo mabda’ ahaan caddeeyay inuu hoos tago hoggaanka ururkaasi ee uu hoggaamin jiray Usaama Bin Laaden, haddana uu madax u yahay Ayman Aldawahiri waxaa khalad ku ah inay beegsadaan dadweynaha, iyagoo dagaalkoodu ku dhisan yahay inay iska ilaaliyaan qasaare badan oo shacabka soo gaara.

Mabda’aasi waxaa muuqata inay Al-shabaab ka baxday, iyadoo dano kale ka leh inay qaraxyo waaweyn soo abaabusho, waxayna sidaasi ku feker noqotay Daacish oo iyaduna aaminsan in dadka oo dhan la leyn karo marka ay ku hoos nool yihiin dowlado ay aamisan tahay inay gaalo-raac yihiin ama Gaalo.

Sidaas waxay hadda Al-shabaab ku noqotay mid raacsan Alqaacida, balse u dhaqanta sida Daacish, waxaana ugu wacan inay Alqaacida ay dunidoo dhan awoodeedii ku yaraatay oo keligeed kusoo hartay Somalia iyo inay isu bedeleyso urur dhaqaale u dirir ah.

KACDOON DADWEYNE

Al-shabaab waxaa kaloo ku qasbay inay ficilkooda ka gaabsadaan iyagoo ka cabsi qaba kacdoon dadweyne iyo in carada iyo murugada umadda ay keento in lagu kaco oo la iska qabto; taasina waxa y ka muuqataa sidii dhalinyarrada Soomaaliyeed ay uga falceliyeen qaraxii weynaa ee Zoope iyo kacdoonkii ay dhigeen oo dowladda Somalia ka faa’iideysan weyday, marka laga reebo in Guuto ciidamo ah lagu dhisay magaca xasuuqii Soope.

Qaraxyada waaweyn ee dadka badan lagu xasuuqay oo ay Al-shabaab ka gaabsadeen inay sheegtaan, waxaa ka mida Qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009 oo lagu laayay arday qalin jebineysay iyo madax u badan wasiiro ka tirsanaa dowladii xilligaasi. Waxay kaloo ka gaabsadeen Qaraxii Zoope ee Oktoobar 2017 oo in ka badaa 600 qof ay ku laayeen, waxaana ku soo xigay qaraxii shalay ee 28 Dec 2019 ee hadda dhiigiisu qoyan yahay.

Qarixii Hargaha iyo Saamaha ka dhacay ee sanadkii 2011 Alshabaab ku laayeen Arday fara badan oo 100 gaaraya, wuxuu ahaa qaraxa kaliya ee qasaaraha badan dhaliyey, basle Alshabaab ay sheegatay iyadoo ku doodeysa inay dileen ciidamo ka tirsan dowladda, waxayna taasi keentay in dad badan ay Alshabaab ka horjeestaan ayna ku ogaadeen xaqiiqada Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this