Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn Ka Dhacday Gobolka Sanaag Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag ayaa wxaa ay sheegayaan in maanta halkaas ay ka dhacday Israsaaseyn kooban oo Khasaaro geystay.

20191229_142120.jpg

Israaaseyntan ayaa dhexmartay dad Cadheysan iyo Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Maanta gaaray deegaanka Midigale ee Gobolka

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska horimaadkan uu ka dambeeyay kadib markii dad Cadheysan kuna sugan Midigale ay banaanbax kaga hortegeen Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil, waxaana Ilaaladiisa ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa waday, iyagoona iska caabiyay.

Ugu yaraan Afar Askari uu kamid yahay Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Maamulka Puntland sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa ku dhaawacmay Israsseyntii ka dhacday deegaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibrii ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku wajahan yahay Magaalada Badhan, waxaana ka socda Banaanbax xooggan oo loogaga soo horjeedo safarkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this