Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cirro oo si qiiro leh uga hadlay weerarkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si qiiro leh uga hadlay weerarkii khasaaraha badan geystay ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdihsho.

Cirro ayaa ugu horreyn tacsi u diray dhammaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin naxdin iyo tiiraanyo ka weyn in la gummaado shacab aan waxba galabsan, gaar ahaan arday iyo dad xoogsato ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Muqdisho in aysan is dhiibin, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarkooda.

Halkan hoose ka aqriso:

Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

Illaa iyo hadda ma jirto cid dhabarka u ridatay weerarkaan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in maanta dhaawacyada halista ah loo qaadayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this