Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ukraine Iyo Mucaaradka Dalkaasi Oo Maxaabiis Isweydaarsanaya Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ukraine)- Dowlada Ukraine iyo maleeshiyada mucaaradka ee ruushka taageero ayaa lagu wadaa in axada maanta ah ay isweydaarsadaan tiro maxaabiis ah oo hore ay u kala Qabsadeen.

Labada dhinac ayaa bilowgii bishan xaqiijiyay in dhamaadka sanadkan 2019-ka ay isdhaafsan doonaan maxaabiista ay kala Haystaan.

Arintaan ayaa timid kadib wadahadalo nabadeed oo ka dhaxmaray magaalada caasimada ah ee Paris.

Isweydaariga maxaabiista wuxuu dhici doonaa bari waana mid aan sugeyno ayuu yidhi madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Haweeneyda afhayeenka u ah hogaamiyaha ismagacaabay ee gobolka Donetsk Ms Daria Morozova ayaa sheegtay in uu jiro heshiis laga gaadhay Arintaan.

Ms Dari ayaa intaa raacisay in 87 maxbuus ay dib ugu soo laaban doonan gobolada Donetsk iyo Lugansk halka dhankooda ay 55 xubnood ku wareejin doonaan xukuumada Kyiv.

Wadanka Ukraine ayaa ah dalka kaliye ee ku yaal qaarada Yurub oo marar badan ay ka dhaceen dagaalo Sokeeye oo u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo Mucaaradka ku sugan gobolka Bari.

Inkabadan 13,000 ayaa ku dhintay colaada ka taagan dalkaan kadib markii maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda bariga ay ku dhawaaqeen sanadkii 2014-kii dowlad ka madaxbanaan Ukraine.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyay xasaradaan in ay dabada ay ka riixeyso dowlada Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this