Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Ka Timid Turkiga Oo Sidda Dhakhaatiir Iyo Daawo Oo Gaadhay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaadheen qaraxaasi.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaadheen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxda Alshabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this