Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo dalal kale oo cambaareeyay qaraxii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Turkiga ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho,kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Dalka walaalaha aanu nahay ee Turkiga Raccep Tayid Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxaasi,isagoo tacsi ku aaddan dhacdadaasi u diray Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeed.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho,Labadeenna muwaadin iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana caafimaad deg-deg ah,Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha  nahay waan u tacsiyeynayaa,Turkey, weligeed Soomaaliya waa garab taagan yahay .”ayuu yiri madaxweynaha dalkaasi Turkiga Odugan.

In kabadan 70 qof ayaa ku geeriyootay tiro 100 kor u dhaafaysana waa ay ku dhaawacmeen qaraxii shalay ee ka dhacay Ex-cantrool Afgooye.

Dowladda badan ayaa si kulul u cambaareeyey falkaasi,kuwaasi oo dhamaantoodi muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Dowladahaasi oo cambaareeyey waxaa kamid ah Mareykanka,war uu soo saaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamomoto ayuu ku cambaareeyey falkaasi ,isagoo garab istaagna u muujiyay shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this