Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo Booqday xarunta gurmadka deg-degga ah iyo Isbitaalka Erdoğan ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iusul wasaaraha ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhegaystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay in ay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

9-17.jpg?w=1000&ssl=1 2-32.jpg?w=1000&ssl=1 1-37.jpg?w=1000&ssl=1 5-22.jpg?fit=960%2C1440&ssl=1 6-20.jpg?w=1000&ssl=1 7-18.jpg?w=1000&ssl=1 3-27.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Khayre oo Booqday xarunta gurmadka deg-degga ah iyo Isbitaalka Erdoğan ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this