Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay qaraxii maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa caawa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ugu horey tacsi ugu direen ehellada dadkii ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho, kaas oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyootay 79 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 120 ruux.

Madasha ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeysay inay ku fashilmeen istaraatijiyada sugidda amaanka dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay sheegeen in dowladdu ay bur-burisay hey’adeheedii amniga, isla markaana xanibtay isusocodka dadweynaha, taas oo ay ku macneeyeen mid sii badinaysa khasaaraha dadka shacabka ah iyo bur-burka hantidooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in la joogo maalinkay isku gurman lahaayeen oo kuwooda bad qaba ay is garab taagi lahaayeen walaalaha ku wax yeeloobay xasuuqii ay Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho.

Ugu danbeyntii war-saxaafadeedka Madasha ayaa dowladda federaalka loogu baaqay inay la timaado istiraatiijiyad ka duwan tii sedaxdii sano ee lasoo dhaafay lagu fashilmay ee horseeday in kumanaan shacab Soomaaliyeed ah ay ku naf waayaan weerarro laga hor tagi karay.

“Waa in dowladdu ogaato inay masuul ka tahay sugidda amaanka dhamaan umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran.

Halkan hoose ka akhriso.

war-saxaafadeed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this