Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI: “Shacabka Muqdisho waxaa haysta Shabaab ku qarxi oo boolis ku qari”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo xubin ka ah madasha Xisbiyada Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Taliyaha Boosliska uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku amro in la qariyo dhimashada ka dhalatay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye.

Xildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay inay dadka Muqdisho u dhaxeeyaan mid qarxinayo iyo mid doonayo inuu qariyo dhimashadooda.

Xildhibaanka ayaa sheegay in horey hey’adaha ammaanku ay u diideen gaadiidka Gargaarka degdegga ah (Ambulance) iyo warbaahinta si xaqiiqda In la ogaado loo qariyo haddaba ay mareyso in Guddoomiyaha Gobolka lagu amro inuu qariyo dhimashada.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook

Shabaab ku qarxi oo Boolis ku qari.

Horey hey’adaha ammaanku waxay u diideen gaadiidka Gargaarka degdegga ah (Ambulance) iyo warbaahinta si xaqiiqda In la ogaado loo qariyo, maantana waa kan taliyihii Boolisku guddoomiyaha gobolka u sheegaya “ha sheegin dhimashada”, yaa laga qarinayaa dhimashada, ma eheladii dadkii dhintey, mise shabaabkii dilka geystay mise kuwii dayacay dadkaas ammaankooda in la ilaaliyo, mise dadka Soomaaliyeed iyo adduunka kale!

Waa nasiib-darro weyn in ay dadka reer Muqdisho ay u dhexeyaan kuwo qarxinaya iyo kuwo qarinaya, habdhaqanka taliyaha Booliskana oo ah ruuxa ugu sarreeya ciidamada Booliska oo ah hey’adda Amniga muwaadiniinta ka mas’uulka ah In uu isku dayo inuu qariyo tirada dhimashada dadkii maantay la xasuuqay!

Waxaa ayaandarro taas ka weyn ah in madaxdii ku koontarooli laheyd hawshaas ama soo booqan laheyd baaxadda dhibaatooyinkaas ay Difaac uga jiraan goobihii ay degenaayeen oo cabsi heysa awgeed ay ku sugayaan halkaas warbixinada ay u soo gudbinayaan taliyihii lahaa dhimashada yaan la sheegin iyo kuwa la midka ah, waxaana laga yaabaa mararka qaar In loo sheegi in khasaaruhu kooban yahay bale mucaaradku buunbuuniyaan!

Guddoomiyaha gobolka oo dadaalaya waxaa waajib ka saaran yahey badnaadinta dhiigga dadka uu madaxda u yahay ee ku dhaqan gobolka Banaadir oo uusan ku hallayn kuwa qarxinaya iyo kuwa qarinaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this