Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha XF oo magacaabay Guddi Gurmad Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeyay ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this