Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Khasaaraha Qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan 76 qof ay dhimashadu marayso, halka dhaawacuna ka badanyahay 110 ruux.

Qaraxa ayaa ka dhashay, gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo qofkii waday ku miidaamiyay Isgoyska mashquulka badan ee Ex Kantarool Afgooye, halkaasi oo ay ku sugnaayeen gaadiid iyo dad badan,sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa u badnaa rayid,  gaar ahaanna Ardayda wax ka barata dugsiyada iyo Jaamacadaha magaalada Muqdisho oo xilligaasi u socday goobaha Waxbarashada

Sidoo kale, muwaaddiniin Turkish ah oo dhisayay wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay weheliyeen askar ilaalo u ahayd, ayaa ku dhintay qaraxa, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gurmadka deg deg ah ee Muqdisho.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyana xaqiijisay in laba muwaadin oo u dhashay waddankaas ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay qaraxa.

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, ayaa dhammaantood ka tacsiyeeyay dhibaatada qaraxaasi ka dhalatay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa isna ka tacsiyeeyay waxyeellada qaraxaasi, waxaana uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab ay inta badan qaraxyo ka gaystaan magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this