Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhowaad 60 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxii saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay oo u badnaa shacab ayaa waxaa ka mid ahaa arday jaamacadeed oo xilligaas la socday gaari Bus ah oo mareyey halkaasi.

Weli dowladdu ma shaacin khasaaraha rasmiga ah, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo booqday meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in khasaaruhu badan yahay, islamarkaana uu dhaawac kor u dhaafayo 90 qof.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa tilmaamay in weerarkan lala damacsanaa in laga fuliyo gudaha Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/war.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this