Deeq A. Posted December 28, 2019 Ku dhowaad 60 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxii saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Dadka dhintay oo u badnaa shacab ayaa waxaa ka mid ahaa arday jaamacadeed oo xilligaas la socday gaari Bus ah oo mareyey halkaasi. Weli dowladdu ma shaacin khasaaraha rasmiga ah, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo booqday meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in khasaaruhu badan yahay, islamarkaana uu dhaawac kor u dhaafayo 90 qof. Sidoo kale Cumar Filish ayaa tilmaamay in weerarkan lala damacsanaa in laga fuliyo gudaha Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/war.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites