Deeq A. Posted December 28, 2019 Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacdii ugu badnaa ee ku soo wax yeeloobay qaraxii saaka ka dhacay isgooska Ex-koontarool Afgooye. Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayo waxa uuna warbixina quseeysa xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka. Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in isbitaalka Madiina la geeyey dhimashada 73 qof iyo dhaawac 52 kale, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa aad u liita. Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ballan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaaya dowladda federaalka Soomaaliya uu dalka dibaddiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadanka wax looga qaban waayo. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee Ex-Koontarool Afgooye. View the full article Share this post Link to post Share on other sites