Deeq A. Posted December 28, 2019 Xildhibaannada golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga lixaad ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen qaraxii saaka ee Ex-Koonyarool Afgooye. Guddoonka golaha shacabka ayaa dadkii halkaas ku dhintay Alle uga baryay in naxariistii Jano ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna u bogsiimo. Sidoo kale guddoonka ayaa xukuumadda ka dalbaday in gurmad caafimaad oo deg deg ah loo sameeyo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa. Dhinaca kale gudoomiyaha golaha aqalka sare barlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ku hadlaya golaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed., gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xooganaa ee Ex-Kontorol Afgooye. Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha Golaha aqalka sare ayaa sheegay in gebi ahaanba la baajiyay kalfadhigii maanta ay goluhu isugu yimaadeen, islamarkaaana ay xanuunka la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibta ka soo gaartay weerarkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites