Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab uu maanta ka dhacay gudaha degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaal toos ah oo muddo socday, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi.

Ma caadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada degmada Awdheegle oo ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee lagala wareegay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this