Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo: Argagixisadu waxay beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska  Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay  in goobta lala beegsaday ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay Argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed “Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.”

Madaxweyne Farmaajo  ayaa sidoo kale  ku amray  Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay dadka  Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaataysan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo: Argagixisadu waxay beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this