Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee  magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland, ayaa u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay. waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu in uu u naxariisto dadkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa shacab, gaar ahaanna  Ardayda Jaamacadaha Muqdisho.

waxaa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu in uu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa sidoo kale ugu  baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wadajir ah loogu istaago, sidii argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this