Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Turkiga Oo Ka Hadashay Muwaadiniin U Dhashay Dalkeeda Oo Ku dhintay Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay Qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalaa Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro aad u badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay qaraxaas musiibada ahaa ayaa u badan dad shacab ah iyo Arday u socotay goobo waxbarsho, waxaana ku jiray Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir.

Safiirka dowladda Turkiga ee u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in qaraxii saaka ay kaga dhinteen laba qof oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo Isgoyska Ex-koontarool marayay xiliga uu qaraxu dhacayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this