Sign in to follow this  
Deeq A.

73 qof Oo Dhintay Qarax Saaka Ka Dhacay Muqdishk+Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii is-miidaaminta ahaa saaka ka dhacay isgoyska Ex koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Wali lama hayo tara koob rasmi ah oo ku saabsan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas, maydad iyo dhaawacyo badan la gaadhsiiyey cisbitaalada magaalada Muqdisho.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Mamaxed Yuusuf oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in la soo gaadhsiiyey Isbitaalka 73 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 52 ruux oo kale.

Dadka dhaawaca ah ayuu sheegay agaasimuhu inay u badan yihiin kuwo daran isla markaana lala tacaalayo baxnaanintooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this