Sign in to follow this  
Deeq A.

Safarkii Ra’isulwasaare Kheyre ee Dhuusamareeb oo loo baajiyey Qaraxii Muqdisho ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dib u dhigay safar uu maanta ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib qaraxii qasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay EX. Kontrol Afgooye.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu dib u dhigay safar shaqo oo maanta u qorsheysnaa inuu ku aado magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu h oggaamin doona howlaha gurmadka dadkii ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso, sida lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa, iyadoo guddoonka Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Madaxweynaha Jubbaland, Safiirka UK ee Somalia iyo xildhibaanno kala duwan ay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday qaraxa oo ku dhow 100 qof.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu eedeeyaa inaysan xitaa ka xishoodeen tacsidii ay madaxda dalka u diri jireen dadka ku waxyeelooba qaraxyada Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this