Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Jaamacadeed oo ku baaba’ay qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa Khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgooyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 28 qof  oo u badan dad shacab ah, gaar ahaanna arday jaamacadeed ayaa ku dhintay, 62 kalena waa ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo goobaha Caafimaadka Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahha duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish  oo gaaray goobta qaraxaasi ka dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay, in ilaa 90-meeye ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse aysan si rasmiya u hayn khasaaraha dhimashada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay, in qaraxa ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari xamuul ah, uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha (Bas) ay saarnaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadda Banaadir University.

Sidoo kale, shaqaale Turkish ah oo dhisayay wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay weheliyeen ciidan ilaalo u ahaa ayaa dhammaantood ku wada-dhintay qaraxa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka degdega ah.

PUNTLAND POST

The post Arday Jaamacadeed oo ku baaba’ay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this