Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cumar Filish oo shaaciyey in qaraxii saaka lala damacsanaa mas’uuliyiin muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) oo tegay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa ka warbixiyey qaraxii xooganaa ee saaka dhacay halkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in khasaara badan uu geystay qaraxa, islamarkaana ay weli socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay 90 qof oo u badan dad rayid ah oo ka agdhawaa meesha uu ka dhacay qaraxaasi oo ahaa mid ismiidaamin ah.

Cumar Filish ayaa sidoo kale xaqiijiyey in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka mid ahaayeen Injineero Ajnabi ah iyo arday ka tirsan jaamacadda Banaadir, kuwaas oo la socday gaari Bus ah oo uu qaraxu haleelay.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, si uu u beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhiim ah, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka oo uu u mahadceliyey guddoomiyuhu.

“Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo Ciidamadii amniga ee shafka u dhigay, dhagarbayaashu hagar daamada ay soo abaabuleen in ay u gudubto magaalada, waxaa ay doonayeen in uu u gudbo magaalada si goobo muhiim ah iyo mas’uuliyii muhiim ah loogu baabi’iyo.” ayuu yiru guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Dhinaca kale isbitaallada Muqdisho, gaar ahaan midka Madiina ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada ugu badan, waxaana isbitaalkaasi buux dhaafiyey shacab badan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.

82171320_2454368491468562_76482577939667 11-2.jpg 80296545_2454367848135293_84300854956098 80438206_2454368071468604_12198336075650 80562969_2454367694801975_85796894886812 80578809_2454368384801906_14764744648949 81042604_2454367784801966_10375347557734

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this