Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Muqdisho +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax khasaaro badan sababay ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Nin la socday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa bartilmaameedsaday goob ay Ciidamada Booliska ku canshuuraan gaadiidka.

Qaraxan oo ruxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan toban qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ayaa waxay goobtaasi ka daabulayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, iyadoo dhibane-yaasha loola cararaayo goobaha caafimaadka.

Sidoo kale ciidan fara-badan oo kuwa dowladda ah ayaa gaadhay halkaasi.

Qaraxan ayaa dareen baqdin leh ku abuuray bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, oo billihii ugu dambeeyay ka nastay weerarada ismiidaaminta ah, ee ay soo maleygaan Shabaabka.

1577514856-12673088515e06f768003d7-Qarax 1577514858-20964056055e06f76a1f122-Qarax 1577514859-9131436565e06f76b941d7-Qarax2 1577514860-18272984755e06f76c8fd16-Qarax 1577514862-17226353755e06f76e5bf05-Qarax 1577514863-11742783335e06f76feebf8-Qarax 1577514864-19808549895e06f770edead-Qarax

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this