Deeq A. Posted December 28, 2019 Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha ayaa xildhibaanadu waxa ay akhrintii ugu dambeysa ee saddexaad ku marin doonaan hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka. Hindise sharciyeedkaan ayaa waxaa horay xildhibaanada BFS u soo mariyeen akhrinta koowaad iyo labaad. Sharcigaan ayaa haddii la ansixiyo sidoo kale wuxuu muhiim u yahay doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites