Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee M/ Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 15 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Dadka dhintay ayaa isugu jira Askar, Injineero Turki ah, arday la socotay gaari Bus-ah iyo dad kale oo shacab ah oo xilligaas ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho la dhigay dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ku sugan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this