Deeq A. Posted December 28, 2019 Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxa fuliyay qof  ismiidaamiye ah oo watay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kaasi oo la beegsaday goob ay canshuuraha ku qaadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Ex Kantarool Afgooye. Goobta ayaa la sheegayaa in ay aad mashquul u ahayd xilliga qaraxu ka dhacay, taasi oo keentay in khasaare u badan dad rayid ah uu ka dhasho qarax halkaasi, inkastoo aan weli si rasmiya loo hayn khasaaraha dhabta ah. Wararku waxay sheegayaan, in dadka dhintay ay ku jiraan shaqaale Turkiya oo dhisayay adada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidan ilaalo u ahaa shaqaalahaasi. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites