Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in la soo dhigay halkaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi, walow aan si dhab ah loo xaqiijin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Faah faahinka kala soco, radioshabelle.com.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this