Deeq A. Posted December 28, 2019 Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar loo adeegsaday qarax miino oo saacadii la soo dhaafay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax xoogan ay deegaanka Kutulo oo hoos yimaada Wajeer kula eegatay gaari ay la socdeen ciidamadaasi. Qoraalkaan ayey Al-Shabaab ku sheegtay in dhammaan askartii saarneyd gaarigaasi ay ku gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay in qaraxaan ay ku dhinteen labo askari, kuna dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah Booliska dalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites