Deeq A. Posted December 27, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Laamaha ammaanka magaaladda Dhuusamareeb ayaa sarre u qaadey howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda. Ciidamadda ayaa gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah ee xarunta gobolka Galgaduud si ay uga hortagaan falal liddi ku ah amniga. Saraakiisha ayaa sheegaya in talaabadan ay salka ku hayso socdaal la filayo in ra’iisul wasaare Khayre uu ku tago caasimadda Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu daaran yahay arrimaha dhismaha maamulkaas. Booqashadan ayaa imaaneysa xili lagu waddo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites