Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Laamaha ammaanka magaaladda Dhuusamareeb ayaa sarre u qaadey howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda.

Ciidamadda ayaa gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah ee xarunta gobolka Galgaduud si ay uga hortagaan falal liddi ku ah amniga.

Saraakiisha ayaa sheegaya in talaabadan ay salka ku hayso socdaal la filayo in ra’iisul wasaare Khayre uu ku tago caasimadda Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu daaran yahay arrimaha dhismaha maamulkaas.

Booqashadan ayaa imaaneysa xili lagu waddo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this