Deeq A. Posted December 27, 2019 Garowe (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe, caasimada maamulka Puntland. Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku dhimatay, halka tirro kelana ay ku dhaawacmeen markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Dadka geeriyooday oo shacab ah ayaa la sheegayaa in ay ka baxeen gudaha magaaladda, wallow aan la ogayn halka ay kusii jeedeen. Saraakiisha caafimaad ayaa ka deeriyey qaar kamid ah bukaanada wax ku noqday dhacdadaan, maadaama dhaawacoodu culus yahay. Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo khibrad xumo darawalada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites