Deeq A. Posted December 27, 2019 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo maamuladda. Deni oo ka hadlayey Madasha PDRC Talks ayaa shaaca ka qaadey in wada-xaajoodyadaas looga doodi doono arrimo masiiri ah sida doorashooyinka iyo qabto tirka Dastuurka. Maamulkiisa ayuu cod dheer ku sheegay in uusan aqbali doonin wax kasta oo baalmarsan shuruucda u taala waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada hadaladu yihiin hanaanka kaliya ee lagu dhameyn doono kala aragti duwanaanta. Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay xal ka gaari doonan ismaandhaafka jira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites