Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga kiiska shaqsiyaad oo lasoo afjaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxay soo gabagabeysay kiis ka dhan ah eedeysaneyaal.

Eedeysaneyaasha oo loo haysto dil iyo in ay ka tirsan Al-Shabaab ayaa tiradooda waxay gaareysaa shan qof, wallow ay jiraan kuwa maqaneyaal ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay hayaan macluumaadka shaqsiyaadka maqan, isla markaana ay ku raad-joogaan xubnahaas.

Dadka maxkamadda lasoo taagey waxaa ku jira Maxamed Xaaji Axmed oo la sheegay in uu yahay hogaamiyaha shabakadan.

Maxamed oo ku magac dheer Ilkacase iyo eedeysaneyaasha kale ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan xukun kama dambeys ah lagu rido.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this