Deeq A. Posted December 27, 2019 Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu wado qorshe dib loogu soo celinayo Beledwayne dadkii ku barakacay fatahaadaha. Sheekh Xuseen Cismaan Cali, gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda, ayaa sheegay in dadweyne qaarkii ay iskood kusoo laabteen. Cali ayaa tilmaamay in ay ku dedaali doonan sidii inta hartayna ay magaala madaxda gobolka dib ugu soo celin doonan dhowaan. Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiye Xuuseen ayaa hoosta ka xariiqay in ay sidoo kale wadaan qorshe lagu kaabayo nolosha dadkii daadadki saameeyeen. Sidda ay sheegeen hay’addaha caalamiga ah, daadadka ku dhuftay Beledwayne waxaa ay saameyn ku yeesheen in ka badan 250-kun oo qoys. Waxyeeladda ayaa isugu jirta, sidda ay ka dhawaajisay dowladda, mid nafeed iyo mid maaliyadeed, waxaana taageerada ay u baahan yihiin tahay mid balaaran. View the full article Share this post Link to post Share on other sites