Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: 4 qof oo ku dhintay shil gaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar ruux ayaa ku dhintay, shil gaari oo gelinkii dambe ee xalay ka dhacay degaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe.

Dadka shilkaasi ku dhintay oo kala ah; hal nin iyo saddex dumar ah, ayaa maydadkooda la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, sida ay Puntland Post u xaqiijiyen mas’uuliyiinta Isbitaalka.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray shilkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta dhalisay shilkaasi.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: 4 qof oo ku dhintay shil gaari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this