Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sheegay in uu ka baaqday safar uu Muqdisho ku tegi lahaa waa maxay Sababta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa, magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sida uu sheegay la xiriiray xallinta Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Madaxweyne Deni oo xalay su’aal laga weydiiyay, halka ay ku dambaysay dhex-dhexaadintii uu horay u ballan-qaaday in uu ka geli doono Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Jubaland? ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay doorashadii mar kale uu ku soo baxay madaxweynaah Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka baaqday safar la xiriiray Xallinta Khilaafka Federaalka iyo Jubaland oo uu ku tegi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhammaaday murankii labada dhinac, maadaama Villa Somalia ay aqoonsatay doorashadii Axmed Madoobe.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in arrimaha ka dhiman Xallinta Khilaafka dowladda iyo Jubaland, ay labada dhinac dhex-dooda ka dhammaysan karaan, mar haddii la aqoonsaday doorashadii halkaasi ka dhacday.

Marka laga reebo hadalka madaxweyne Deni , ma jiro qoraal rasmiya oo ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu aqoonsaday dib u doorashadii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Halkaan ka daawo hadalka madaxweynaha

PUNTLAND POST

The post Deni oo sheegay in uu ka baaqday safar uu Muqdisho ku tegi lahaa waa maxay Sababta? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this