Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo qiray in Xukuumaddiisu diyaarisay Mooshinkii Dhooba-daareed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Caawa Marti ku ahaa Madasha La-hadalka Bulshada ee PDRCTalk’s, ayaa la weydiiyay su’aal la xiriirtay in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay, Mooshinkii Baarlamanka Puntland ay xilka uga qaadeen Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed.

Madaxweynaha oo ka jawaabaya su’aashaasi, ayaa sheegay in si kasta oo  saamayn loogu yeesho Baarlamanka, haddana go’aanka kama dambaysata ah ee xilka looga qaaday Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland uu ahaa mid ay gaareen mudanayaasha Baarlamanka oo aysan wehelin cid ka tirsan Xukuumadda.

Mudane Deni, ayaa sheegay in xildhibaannada Baarlamanka Puntland, iyagoo miyir-qaba oo aan cidina khasbin, ay go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan Guddoomiye Dhooba-daareed, islamarkaana ay u mareen Nidaamkii saxda ahaa, kadib markii ay cod gacan-taag ah xilka uga xayuubiyeen.

Balse, madaxweynaha ayaa si sarbeeban u qiray in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay xilka qaadista Guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Xaaji Maxamed, inkastoo uu xusay in aan xildhibaannada cidina khasbin.

Hoos ka daawo jawaabta

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo qiray in Xukuumaddiisu diyaarisay Mooshinkii Dhooba-daareed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this