Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo ka feejigan weeraro ka yimaada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa sheegay in ay wax weyn kaqabteeen sugidda amniga horumaro balaaranna ay kasameyeen hay’adaha u xil-saaran sidii loo sugi lahaa amaanka guud.

Gaashaanle dhexe,  Maxamuud Cilmi Gulaafe , oo ka tirsan Taliska qeybta Gobolka Mudug, ayaa intaa raaciyay in ay si aad ah uga feejigan yihiin qatarta ka iman karta Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay Boliisku soo qaban doonaan cid kasta oo dil ka geysata Gobolka Mudug iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya, haatan ka horna ay ku guuleysteen in ay Gacanta kusoo dhigaan dambiilayaal baxsad ahaa.

“Dawladda Soomaaliya aad ayay saameyn ugu leedahay sugidda nabad gelyada degannada Galmudug  oo dhan, waxaan dareemayna in Dawladdu Shacabka ay u tahay Geed ay harsadaan marka la eego waxyaabaha ay ka caawisay maamulka iyo Shacabka Gobolka Mudug”, ayuu yiri Taliyuhu.

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaad Al-Shabaab oo ka dhaca degaanada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug. Tani waxay kusoo aadeysaa xili loo diyaar-garoobayo weeraro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this